Al-shabaab oo soo bandhigay askar ay sheegeen inay dowladda la dagaalmi doonaan (SAWIRO)

Xarakada Al-shabaab ayaa qeybo ka mid ah gobolada Bay iyo Bakool kusoo bandhigay ciidan ay sheegeen inay hore uga tirsanaan jireen dowladda federaalka Soomaaliya balse markii dambe Shabaabka kusoo biiray.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa sheegay in ciidankaasi ay dhameysteen tababar in muddo seddax bilood ah u socday balse ay haatan diyaar u yihiin inay duulaan weerar ah ku qaadaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Ciidankaasi oo ku labisan dhar isku eg ayay Shabaabku sheegeen in tiradooda ay gaarayso illaa 42 askari.

Ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya in nimankaasi lasoo bandhigay ay hore uga tirsanaan jireen dowladda federaalka Soomaaliya iyo inkale, marka laga reebo sheegashada Al-shabaab.

error: Content is protected !!