Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo si bareer ah u dilay nin watay mootada Bajaajka ah

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka asluubta Soomaaliya uu xalay magaaladaasi ku dilay nin watay mootada ay dadweynuhu raacaan ee loo yaqaano “Bajaajka”.

Illaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah oo ka dambeysay dilka loo geystay ninkaasi, balse ciidanka nabad-sugidda magalada B/weyne ayaa markii dambe ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan askariga dilka geystay, iyagoona kadib askarigaasi xabsiga u taxaabay.

Dhinaca kale, mid ka mid ah dadkii ka agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa warbaahinta Bulshoweyn u sheegay in ninka la dilay iyo askariga dilka geystay ay in muddo ah murmayeen kadibna uu rasaas ku furay.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka magaalada B/weyne oo ay kaga hadlayaan dilka loo geystay ninkaasi watay mootada dhug-dhugleyda ee loo yaqaano Bajaajka.

error: Content is protected !!