DEG DEG:- Wafdi uu hogaaminaayo guddoomiyaha cusub ee midowga Afrika oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hogaaminaayo guddoomiyaha cusub ee midowga Afrika Muuse Faki Maxamed ayaa goordhaw soo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka Aadan Cadde wafdigaasi kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Guddoomiyaha cusub ee midowga Afrika Muuse Faki Maxamed ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Safarka guddoomiyaha cusub ee midowga Afrika Muusa Faki Maxamed ee Muqdisho ayaa la sheegayaa inuu uljeedkiisu yahay qiimeynta abaaraha ka jirta dalka Soomaaliya iyo sidii loo dedejin lahaa dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka magaalada maanta lagu daadiyay ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ee NISA iyo AMISOM.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in guddoomiyaha iyo madaxweynaha Soomaaliya ay kulan toos ah wada yeeshaan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!