Wadooyinka Muqdisho oo saakay xiran iyo ciidamo badan oo wadooyinkaasi lagu daadiyay

Waxaa maanta gebi ahaan xiran qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, xilli la sheegayo inuu magaalada kusoo wajahan yahay guddoomiyaha cusub ee midowga Afrika Muuse Faki Maxamed.

Ciidamo badan oo isugu jira nabad-sugid iyo kuwa boolis ah ayaa saakay lagu daadiyay isgoysyada Banaadir, Zoobe iyo wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo wadooyinka ku gooyay gaadiidka nooca dagaalka ah.

Dhaq-dhaqaaqa gaadiid iyo dadweynaha ee ka jiray wadooyinkaasi ayaa la sheegayaa inuu gebi ahaan saakay istaagay, sidoo kale ma jiro goob ganacsi ah oo saakay ka furan goobahaas.

Ciidamada ku sugan wadooyinkaasi ayaa saakay muujinaya feejignaan dheeri ah, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha cusub ee midowga Afrika Muuse Faki Maxamed.

Booqashada uu magaalada Muqdisho ku imaanayo guddoomiyaha cusub ee midowga Afrika Muuse Faki Maxamed ayaa la sheegayaa inuu salka ku haayo sidii ugu kuur-gali lahaa sidii wax looga qaban lahaa abaaraha baahsan ee ka jirta Soomaaliya iyo la dagaalanka Xarakada Al-shabaab.

error: Content is protected !!