Wararkii ugu dambeeyay duqeyntii lagu laayay qaxooti Soomaaliyeed ee maraayay xeebaha Yemen (SAWIRO)

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo dalka Yemen ayaa sheegaya diyaarad nooceedu yahay kuwa qumaatiga u kaca ay weerar xoogan ku qaaday doon ay la socdeen qaxooti Soomaaliyeed ee maraayay meel u dhaw dekedda magaalada Xudeyda ee ku taalla dalkaasi.

Illaa 42 ruux oo ay ku jiraan haween iyo caruur ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyootay weerarkaasi arxan-daradda ah ee loo geystay qaxootigaasi Soomaaliyeed oo la sheegay inay ku wajahnaayeen dalka Sudan.

Sidoo kale weerarkaasi ayaa ku dhaawacantay 31 qof kale oo 7 ka mid ah ay dhaawacooda aad u liitaan.

Doontaasi ayaa la sheegayaa inay saarnaayeen 145 qof, sida uu¬†sheegay sarkaalka heysta qeybta amniga ee kaluumeysiga dekedda magaalada Xudeyda ee dalka Yemen, waxaana nolol iyo geeri weli lagu la’yahay 15 qof kale.

Dadkii ku dhaawacay weerarkaasi ayaa la sheegayaa in haatan lagu daweynayo goobo caafimaad oo ku yaala magaalada Xudeyda ee dalkaasi Yemen.

Mucaaradka Xuutiyiinta dalkaasi Yemen ayaa weerarkaasi ku eedeeyay isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga.

error: Content is protected !!