Xasan Sheekh oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay safaarada Soomaalida ee Turkiga (SAWIRO)

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweyn aan caadi ahayn loogu sameeyay safaaradda ay Soomaaliya ku leedahay dalka Turkiga.

Maalintii shalay ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, wuxuuna isla maalintii shalay uu gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, halkaas oo mid ka mid ah qoysaskiisa uu degan yahay.

Xasan Sheekh ayaa markii uu gaaray dalka Turkiga waxaa soo dhaweyn aan caadi ahayn loogu sameeyay safaarada Soomaalida ee Turkiga ku leedahay, wuxuuna halkaasi kula kulmay shaqaalaha safaaradda iyo madax ka tirsan dalka Turkiga.

Dhinacyadaasi ayaa kulankooda uga hadlay ereyo soo dhaweyn iyo dhiirgelin ah, waxayna kulankooda sidoo kale diiradda ku saareen sidii ay dowladda Turkiga gurmad ugu fidin laheyd dadka Soomaaliyeed oo abaaraha u dhimanaya.

error: Content is protected !!