Guddoonka Baarlamaanka oo fariin deg deg ah u diray madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha (DHAGEYSO)

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka dalbaday madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dedejiyaan magacaabidda xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo hadal ka jeediyay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay ka dalbadeen in si deg-deg ah uu kusoo magacaabo golaha wasiirada cusub, isagoo arrintaasi sabab uga dhigay arrin muhiim ah.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay inay u xayiran yihiin xukuumadda, iyagoo u socdaali lahaa deegaanada laga soo doortay si ay ugu qeyb qaataan gurmadka abaaraha ee ka socda dalka.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sidoo kale sheegay in xildhibaanada baarlamaanka ay haatan sugayaan oo kaliya ansixinta xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doonno, isagoona dhinaca kale ugu baaqay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha in sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo magacaabaan golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

“Waxaan ka codsannay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaarahaba, howl walba oo la qabanaayo in xildhibaanka deegaan doorashadaas lagu wargeliyo, hadii la tagayana laga codsado, waxaan ka codsannay in xukuumadda si deg deg ah loo soo dhiso, xildhibaanada meesha fadhiya waxaanu ku niri deeganadooda ayeey kuligood u socdaan, dadkooda inay lasoo qeybsadaan dhibta jirta ayeey u socdaan, waxay u joogaan ansixinta xukuumadda oo kaliya, waxaan ka codsannay inay kusoo dhaqsadaan si xildhibaanada ay deeganadooda uga qeyb galaan gurmadka abaaraha ee deegaanada ay kasoo jeedaan” Sidaasi waxaa yiri Mahad Cabdalla Cawad.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad ayaa kusoo beegmaya xilli qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ay guddoonka ku eedeeyeen inuu faragelin ku haayo arrimaha soo xulista golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

error: Content is protected !!