Heshiiskii saldhiga Imaaraadka Carabta ee Berbera oo maanta lakala saxiixday (AKHRISO)

Waxaa maanta oo Axad ah magaalada Abu-dhabi heshiis rasmi ah ku kala saxiixday dowladda Imaaraadka Carabta iyo maamulka Somaliland, kaas oo muddooyinkii ugu dambeysay uu muran badan ka taagnaa.

Heshiiskaas oo ah in saldhig militeri ay dowladda Imaaraadka ka sameysato magaalo xeebeedka Berbera ayaa hore waxaa u ansixiyay golayaasha maamulka Somaliland.

Maamulka Somaliland waxaa heshiiskaasi u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Sacad Cali Shire, halka dhinaca Imaaraadka Carabtane uu qalinka ugu duugay Maxamed Al-Zuweydi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Sacad Cali Shire oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heshiiska la saxiixay uu ka kooban yahay dhowr qodob, kaasi oo daba socda heshiiskii ay hore u ansixiyeen labada gole ee baarlamaanka Somaliland.

Qodobada heshiiska oo isugu jira milateri iyo maalgelin ah ayaa kala ah sida soo socota:-

1- Somaliland waxay ogolaansho siisay in ciidamada dowladda Imaaraadku isticmaalaan garoonka diyaaradaha ee Berbera.

2- In Imaaraadka garoon diyaaradeed ka dhiso Berbera, kaasi oo ay isticmaali doonaan diyaaradaha rakaabka iyo kuwa xamuulka ah.

3- Dhismaha jidka isku xira magaalooyinka Berbera iyo Togwajaale oo dheerarkiisu yahay 250km ayaa ka mid ah mashaariicda la fullin doono.

4- Fullinta mashaariic kale oo la xiriira biyaha, tamarta, caafimaadka iyo waxbarashada, dhamaan mashaariicdaasi waxaa lagu fullin doonaa seddaxda sano ee soo socota.

5- Dowladda Imaaraadku waxay suuqyadeeda shaqo u furi doontaa muwaadiniinta reer Somaliland.

6- Dowladda Imaaraadka Carabta waxay taageeri doontaa shirkadaha maal-gashiga ee Imaaraadka ay maal-gashtaan Somaliland.

7- Imaaraadka iyo Somaliland waxay iska kaashan doonaan dhinaca amniga

8- Wuxuu heshiiskani albaabo cusub u furi doonaa Somaliland iyo beesha caalamka.

9- Ugu dambeyntii waxay labada dhinac isla garteen in Imaaraadku gargaar deg-deg ah gaarsiiyo dadka abaartu saameysay.

error: Content is protected !!