Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa xilka looga qaaday agaasimaha guud ee la dagaalanka burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamd Dirir (Ducaysane)
Wareegtadaasi oo tirsigeedu ahaa Lr. 29 ee soo baxday March 19 2017 ayaa u qorneyd sida soo socota:-
Xeer Madaxweyne Lr. 29 ee March 19 2017, Kuna Saabsan Xil Kaqaadis Agaasimaha Guud Ee Ladagaalanka Burcad Badeeda Dowladda Puntland
Madaxweynaha Dowlada Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasiirka dekedaha, gadiidka badda iyo lafagaalanka burcad badeeda
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo isbadalka iyo dardargalinta Agaasinka Ladagaalanka burcad badeeda Puntland
Waxuu xeeriyey:
Waxuu xilkii Agaasimaha Guud ee ladagaalanka burcad badeeda ka qaaday Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane)
1. Xeerkani waxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo
Si kastaba ha ahaatee, xilka qaadista lagu sameeyay C/risaaq Ducaysane ayaa ka danbeysay kadib markii burcad badeed fadhigeedu yahay degaanada Puntland ay afduubteen markab ganacsi ah, waxayna wareegtadaan soo baxday xilli uu madaxweyne Gaas ka maqan yahay deegaanada Puntland.