Ra’iisul wasaare Kheyre oo baaq deg deg kasoo saaray arrimaha doorashooyinka Galmudug

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa loogu baaqay xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug in muddo 45 maalmood ah ay dib u dhigaan doorashada madaxweynaha maamulkaasi.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in kulamo wadatashi oo is-dabajoog ah kala yeeshay arrimaha doorashada dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, Hoggaanka maamulkaas, qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka, xildhibaanada Aqalka sare, xubnaha golaha shacabka ee laga soo doortay Galmudug, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo Ahlu sunna Wal jamaaca, wuxuuna soo jeediyay 5-ta qodob ee soo socota:-

1- Ka dib markuu tixgeliyey duruufaha qalafsan ee ka dhashay xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaanka Galmudug oo hadda gurmadkeeda lagu gudo jiro iyo baahida loo qabo maamul lagu wada qanacsanyahay.

2- Maadaama ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku gudo jirto dhameystirka golaha fulinta ee xukuumadda taas oo aan looga maarmeyn fududaynta iyo ka qeyb qaadashada doorasahda Galmudug.

3- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu soo jeedinayaa in baarlamaanka Galmudug uu doorashada dib u dhigo muddo dhan 45 maalmood ah, si loo yagleelo maamul dhaxal gal ah oo hoggaankiisa heshiis laga wada yahay.

4- Murashaxiinta jagada madaxweynaha Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay nala tixgeliyaan in la helo dib-u-heshiisiin iyo is afgrad, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu doorto hogaan raali ka yihiin dhammaan shacabka Galmudug.

5- Ugu danbeyntii waxan ugu baaqayaa shacabka Galmudug iyo hogaamiyeyaasha bulshada Galmudug in fursadaan taariikhiga ah loo wada guntado, si iyadoo loo dhan yahay loo dooran lahaa hoggaan u horseeda bulshada nabad iyo horumar dhan walba ah.

error: Content is protected !!