WARBIXIN:- Wararkii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya (AKHRISO)

Waxaa saacadihii ugu dambeeysay si weyn loo hadal haayay warar xiiso leh oo ku saabsan in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu waqtiyadda soo socdo si rasmi ah ugu dhawaaqi doonno golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah aynu ka heleyno xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haatan lasoo gaba-gabeeyay wadatashiyadda ku saabsanaa magacaabida golaha wasiirada cusub, lana diyaariyay dhamaan tirada iyo magacyada ka mid noqon doonno xukuumadda cusub.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegayaa in habeenkii xalay uu si rasmi ah usoo gaba-gabeeyay wada-tashiyadii ugu danbeeyay ee¬†magacaabida golaha wasiirada cusub, kadib kulan xalay oo dhan ka socday xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu ra’iisul wasaare Kheyre kulankaasi la yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Seddaxdaasi mas’uul ayaa ugu dambeyn isku af-gartay in tiradda golaha wasiirada laga dhigo illaa 25 wasiir, iyadoona ay hore u jireen khilaaf ka dhashay tirada wasiirada laga dhigi lahaa iyo qaabka beelaha u qeybsan lahaayeen.

Khilaafkaasi ayaa haatan u muuqda mid xal kama dambeys ah laga gaaray, waxaana madaxweyne Farmaajo uu haatan la noqday qorshihiisii ahaa 30-ka wasiir kadib markii laga hor-yimid.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu danbeyn soo gaba-gabeeyay liiskiisa, isagoo latashigii ugu dambeeyay la yeeshay guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa la filayaa in 24-ka saac ee soo socoto uu si rasmi ah ugu dhawaaqo golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya, waxaana yar isbedelka ku imaan kara liiskii ugu dambeeyay ay xalay isla qaateen seddaxda mas’uul ee ugu sareeysa dalka.

error: Content is protected !!