Wariye Mutawakil oo maanta ku dhaawacmay is-rasaaseyn ka dhacday magaalada Muqdisho

Wariye Mahad Maxamed C/raxmaan (Mutawakil) oo ka tirsan wariyaasha ka howlagala Idaacadda Radio Shabeelle ayaa maanta ku dhaawacmay is-rasaaseyn culus oo Isgoyska Tarbuunka ku dhex martay ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Wariyaha ayaa la sheegay in xilliga is-rasaaseyntu dhaceeysay uu ku sugnaa agagaarka Tarabuunka ee degmada Hodon, halkaas oo ay ka socotay howlgal burburin dhul sharci darro ah oo halkaasi ku yaalla.

Sidoo kale, wariye Mutawakil ayaa xilligasi wareeysi la yeelanaayay guddoomiyaha degmada Hodon oo halkasi ku sugnaa, waxaana dhacday inay goobtaasi isku rasaaseeyaan ciidamada ilaalada u ahayd guddoomiyaha iyo ciidamo kale oo ka tirsan kuwa militeriga Soomaaliya oo xurguf soo kala dhex gashay ciidankaas.

Wariye Mahad Mutawakil ayaa la sheegayaa in rasaastu ay ka haleeshay gacanta bidix, waxaana haatan la geeyay isbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu daweeyay, iyadoo xaaladiisa ay haatan tahay mid aad u wanaagsan.

error: Content is protected !!