Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo u geeriyooday dhaawac culus oo dhawaan soo gaaray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in habeenkii xalay uu halkaasi ku geeriyooday Allaha u naxariistee C/qaadir Faarax Bootaan oo ka mid ahaa xildhibaanada maamulka Puntland.

Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan ayaa la sheegayaa inuu u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax miino oo dhawaan gaarigiisa loogu xiray xilli uu kasoo baxay Hoteel ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Marxuumka ayaa la sheegayaa inuu ka dhaawacmay qeybaha dambe ee jirkiisa, wuxuuna ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Puntland ee kasoo jeeda gobolka Mudug

Dhinac kale, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u xaqiijiyay geeridda xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan oo maalmihii ugu dambeysay ku jiray isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Allaha u naxariistee, xildhibaanka ayaa ka mid ahaa mudanayaasha baarlamaanka maamulka Puntland ee kasoo jeeda gobolka Mudug, wuxuuna xubin ka ahaa guddiga nabad galyada ee loo xil saaray gobolkaas.

error: Content is protected !!