Dhalinyaro looga shakinsan yahay Shabaabnimo oo lagu xir-xiray magaalada Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ay halkaasi ku xir xireen dhalinyaro badan oo ay maamulkaasi ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab

Ciidanka maamulka Ahlu-sunna oo howlagalo baaritaano ah ka sameeyay xaafadaha ku yaalla magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegayaa inay kusoo qab-qabteen tiro dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu xiray xabsiga dhexe ee magaaladaas.

Saraakiil ka tirsan maamulka Ahlu-sunna Waljameeca oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in dhalinyaradaasi baaritaano ay ku sameyn doonaan, kadibne lakala saari doonno qofkii dambiile ah iyo qofka aan dambiga laheyn.

Si kastaba ha ahaatee, maalintii shalay ayay ahayd markii ciidanka Ahlu-sunna ay duuleedka deegaanka Mareergur ku qabteen seddax qof oo watay gaari Kaarib ah oo ay sheegeen inay la shaqeeyaan Xarakada Al-shabaab.

error: Content is protected !!