Koox hubeysan oo gelinkii dambe maanta nin ku dishay Isgoyska Afarta Darjiino ee degmada Yaaqshid

Koox hubeysan oo watay mootadda Bajaajka ayaa gelinkii dambe ee maanta Isgoyska Afarta Darjiino ee degmada Yaaqshid ku dishay nin magaciisa lagu soo koobay AMADI.

Marxuumka la dilay oo ka mid ahaa dadka deegaanka degmada Yaaqshid ayaan la ogeyn sababta rasmiga ee loo dilay, waxaana lagu dhuftay dhowr rasaas, isagoona kadib isla goobta ku geeriyooday.

Kooxihii dilka ka dambeysay ayaa islamarkiiba goobta isaga baxsaday, waxaana markii dambe goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ee NISA oo howlgalo baaritaano ah halkaasi ka sameeyay.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo waxaa magaalada Muqdisho kusoo kordhay dilalka iyo qaraxyada loo geysanaayo nabadoonada, dadka shacabka ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!