DEG DEG:- Nin oday waayeel ah oo goordhaw isku dal-dalay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir isku dal-dalay nin oday waayeel ah, kadib markii uu xarig qoorta iskaga xiray islamarkaana uu iska soo laa-laadiyay geed qurac ah oo ku yaalla xaafadaas.

Ninkaan odayga ah oo magaciisa lagu sheegay Canshuur Cali Xasan ayaa waxaa la arkay isagoo meyd ah oo qoortiisa xarig ku xiran tahay islamarkaana uu ka laa-laado geedka quraca ah.

Mid ka mid ah dadkii yaqaanay ninkaasi is-dilay oo daqiiqado kahor la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in ninkaasi uu ahaa qof madaxa looga jiray.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo goobta uu ninkaasi isku dilay soo gaaray ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ay ku ogaanayaan qaabka uu ninkaasi isku dilay iyo waxyaabaha keenay inuu is-dilo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!