DEG DEG:- Qarax xoogan oo daqiiqado kahor ka dhacay qeyb ka mid ah magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan islamarkaana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa daqiiqado kahor ka dhacay agagaarka xarunta madaxtooyadda Soomaaliya, gaar ahaan inta u dhaxeeysa tiyaatarka qaranka iyo guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa la xaqiijiyay inuu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana haatan magaalada dhan qariyay qiic aad u weyn.

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo dhaceeysa.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan nabad-sugidda qaranka Soomaaliya oo goobta qaraxa ka dhacay gaaray ayaa gebi ahaan xiray wadada soo gasha halkaasi, iyagoona kadib baaritaano halkaasi ka bilaabay.

Sidoo kale, waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah oo halkaasi ka daad gureynaya dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.

Wixii warkaan kusoo kordha iyo sawirada dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!