Magacyada iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan wasiirada maanta lagu dhawaaqay (AKHRISO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa saakay si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska golaha wasiirada oo in muddo ah la sugaayay, kuwaas oo ka kooban illaa 26 wasiir, ku-xigeenadooda, wasiiru dowlayaal iyo hal ra’iisul wasaare ku-xigeen.

Waxaa xubnaha golaha wasiirada maanta kasoo dhex muuqday shaqsiyaad hore xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii hore ee dalka soo maray, iyo shaqsiyaad ku cusub siyaasadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo saxaafadda la hadlay kadib markii uu ku dhawaaqay golaha wasiirada cusub ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo cusub oo lagu xisaabtamaayo wasiirada cusub ee xilka loo magacaabay oo ay ka mid yihiin in hantidooda la xisaabiyo iyo xisaabtan joogto ah.

Wasaarad cusub oo loogu magac daray gargaarka iyo maareynta masiibooyinka ayaa lagu daray golaha wasaarida cusub, si wax looga qabto xaaladda abaaraha dalka ee soo noq-noqday.

Magacyada, xilalka iyo beelaha ay kasoo jeedaan xubnaha la magacaabay

DIR

1- Ra’iisul wasaare ku-xigeen Avv. Mahdi Axmed Guuleed Khadar  (Dir/Isaaq/Cidagale)

2- Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle (Dir/Samaroon)

3- Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Khadra Axmed Ducaale (Dir/Isaaq/Habar Jeclo)

4- Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Deeqa Yaasiin (Dir/Surre)

5-  Wasiirka xanaanada xoolaha Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan (Dir/Biyomaal)

6- Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac (Dir/Isaaq/Habar-yoonis)

HAWIYE

1- Wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar (Hawiye/Habargidir/Ceyr)

2- Wasiirka boostada, isgaarsiinta iyo tiknoolijiyada Eng. Cabdi Canshuur Xasan (Hawiye/Baada-cadde)

3-  Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale (Hawiye/Abgaal/Harti/Abokar)

4-  Wasiirka warfaafinta Eng. C/raxmaan Yariisow (Hawiye/Abgaal/Wacbuudhan/Daa’uud)

5-  Wasiirka warbarashada iyo tacliinta sare C/raxmaan Daahir Cismaan (Hawiye/Xawaadle)

6-  Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka bulshada Drs Fowsiyo Abiikar Nuur (Hawiye/Gaaljecel)

DAAROOD

1- Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa (Daarood/Majeerteen/Ciise Maxamuud)

2- Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga  Amb. Jamaal Xasan (Daarood/Warsengeli)

3- Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka Maxamed C/laahi Salaad (Daarood/Ogaadeen/Cawilyahan)

4- Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka C/raxmaan Cabdi Xaashi (Daarood/Dhulbahante)

5- Wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil  (Daarood/Leelkase)

DIGIL IYO MIRIFLE

1- Wasiirka howlaha guud Cabaas Siraaji (Mirifle/Hubeer)

2- Wasiirka cadaaladda AVV. Xasan Xuseen Xaaji (Digil/Garre)

3- Wasiirka gaashaandhigga C/rashiid C/laahi (Mirifle/Leesaan)

4- Wasiirka korontada iyo biyaha Xildhibaan Prof. Saalim Caliyoow Ibrow (Digil/Jiido)

5-  Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Dr. Iimaan C/laahi Cali (Mirifle/Hadamo)

BEESHA SHANAAD

1- Wasiirka batroolka iyo macdanta Xildhibaan Eng C/rashiid Maxamed Axmed (Beesha Shanaad/Gandershe)

2- Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye (Beesha Shanaad/Yaxar)

3- Wasiirka dekedaha Maryan Aweys (Beesha Shanaad/Jareerweyne/Shiidle)

4- Wasiirka beeraha Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid (Beesha Shanaad/Carab Saalax)

5-  Wasiirka arrimaha gargaarka iyo musiibooyinka Maryan Qaasim (Beesha Shanaad/Reer Xamar/Kulmis)

error: Content is protected !!