Hooyo Soomaaliyeed oo seddax mataano ah ku dhashay waddo ku taalla degmada Kaxda (SAWIRO)

Hooyo Soomaaliyeed oo ka mid ah hooyooyinka dhawaan kusoo barakacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ku umushay waddo laami oo degmadaasi ku taallo 3 caruur oo mataano ah.

Seddaxdaasi caruur oo labo ka mid ah ay geeriyoodeen ayaa hooyadda caruurtaasi dhashay oo lagu magacaabo Mako Xuseen Mukhtaar laga deyrinayaa xaaladeeda caafimaad kadib markii la jiifiyay mid ka mid ah xarumaha caafimaad ee ku yaalla degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Maamulka degmada Kaxda oo xaaladda hooyadaasi Soomaaliyeed ka hadlay ayaa sheegay in hooyadaan wali ay ku jirto isbitaalka Al-birri oo ku yaala degmadaas, wuxuuna maamulka halkaasi caddeeyay in labo ka mid ah seddaxdii caruur ee mataanaaha aheyd oo ay dhashay hooyadaasi ay geeriyooden.

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga uga dalbaday shacabka Soomaaliyeed in la caawiyo hooyadaan Soomaaliyeed ee dhibaateysan, wuxuuna qoraalkiisa u dhignaa sidatan:-

“Walaalayaal ciidii caawin karta Hooyo Mako Xuseen Muqtaar waa hooyada xalay laamiga ku dhashay, fadlan numberkan ha ugu soo ridaan 0615-969007 ama kan gudoomiyaha degmada Kaxda 0615513074”

error: Content is protected !!