Maxaa ka taqaanaa shaqsiyadda ra’iisul wasaare ku-xigeenka cusub ee Soomaaliya (AKHRISO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalintii shalay ku-xigeenkiisa u magacaabay Avv. Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ah nin sharci yaqaan ah islamarkaana siyaasadda ku cusub, iyadoona saacadihii ugu dambeysay ay warar kala duwan kasoo baxayaan xaaladiisa shaqsi ahaaneed.

Waxaan haddaba dib u eegeynaa shaqsiyadda iyo taariikhda ra’iisul wasaare ku-xigeenka magacaaban ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Garyaqaan Mahdi Maxamed Guuleed oo kasoo jeeda Soomaalida muddo dheerna kasoo shaqeeyay Zoonka shanaad ee Itoobiya.

Avv. Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) wuxuu markii ugu danbeeyay ka tirsanaa xisbiga UCID ee maamulka Somaliland, isagoo saaxiib la ah guddoomiyaha ururkaasi Feysal Cali Waraabe oo u magacaabay xubinta xisbiga UCID ee guddiya doorashooyinka Somaliland, xilkaas oo uu yahay ilaa iminka.

Waa kuma Garyaqaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)..?

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ah nin sharci yaqaan, macalin sharciga ka ahaa Jaamacada Hargeisa.

Taariikhdiisa waxbarasho:

Waxa uu waxbarashadiisii H/dhexe kusoo qaatay dalka Ethiopia, gaar ahaan magaalada Addis Ababa.

Sanadkii 1996-1999; waxa uu galay kulliyada sharciga ee “Ethiopian Civil Service Collage” isagoo noqday ardaygii ugu sareeyay kulliyadda.

Sanadkii 2008; waxa uu diyaariyay shahaadada sare ee Master-ka uu ka qaatay jaamacad ku taalla dalka Koonfur Afrika, kuna takhasusay xeerka dhaqaalaha caalamka, xeerka caalamiga ah iyo baarista sharciga.

Waayo aragnimadiisa shaqo:

Ku-simaha xafiiska caddaalada ee gobolka shanaad ee Somalida Ethiopia.

November 1999 — march 2001: Madaxa ciqaabta iyo Madaniga Somalida Ethiopia.

November 1998 — 1999: Xeer ilaaliyaha kiisaska ciqaabta Somalida Ethiopia

January 1999 — March 1999: La-taliye sharciga ee Gudida diyaarinta sharciyada ee kilinka Shanaad ee dalka Ethiopia.

April 1999 — March 1999: Xeerka Ganacsiga ee thiopia ayuu u tarjumay Af Soomaali.

August 2000 — October 2000: Tababarre xeerka ciqaabta ah.

November — December 2001: Waxa uu tarjumay xeerka Naas-nuujinta.

February — March sanadkii 2002: La-taliye sharci wasaarada Cadaalada.

2002 — 2004: Wuxuu aasaasay Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeysa.

Bishii June — October 2004: Waxa uu diyaariyay xeerka Ganacsiga Somaliland.

2002 — 2005-tii Wuxuu noqday La-taliyihii sharciga Guddiga Doorashooyinka Somaliland

2003 — 2008: Wuxuu la soo shaqeeyay Hay’da UNDP gaar ahaan Barnaamijyadeeda Maamul wanaaga iyo meelmarinta sharciga.

2008 wixii ka danbeeyay wuxuu macalin ka ahaa kulliyada Sharciga ee Jaamacada Hargeisa.

2008 – Xisbiga UCID ayaa u magaabay xubin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Somaliland

March 2017: Waxaa loo magacabaay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!