Ra’iisul wasaaraha oo booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdisho (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan taliyaasha ciidanka booliska iyo nabad suggida Soomaaliya ayaa habeenkii xalay booqday dhaawacyada ku waxyeeloobay qarixii shalay ka dhacay inta u dhaxeeysa Tiyaatarka Qaranka iyo guriga hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

Dhaawacyadaasi oo la dhigay dhowr isbitaalo oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa goobaha uu ra’iisul wasaaraha booqday waxaa ka mid ah Isbitaalka Madiina iyo Erdogan (EX-DIGFEER), isagoo mid mid u xog wareystay dadka dhaawacyadu soo gaareen, si uu u qiimeeyo xaaladahooda iyo nabarada gaaray inta ay gaarsiisanyihiin.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa u kuur-galay xaaladda dhaawacyada, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka taageeri doonto dhaawacyadda culus, sidii adeeg caafimaad loogu heli lahaa.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa magacaabay guddi gaar ah oo isugu jira dhaqaatiir, aqoonyahan iyo culimaa’udiin, kuwaas oo si gaar ah u qiimeyn doono dadka dhaawacyadoodu ay culus yihiin waxna aan looga qaban karin gudaha dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!