DEG DEG:- Wafdi uu horkacaayo madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho

Wafdi uu horkacaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu dhawaan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kaga qeyb-galo shir madaxeedka halkaasi uga furmaya dalalka ku bahoobay IGAD, iyo casuumaad gaar ah uu ka helay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Waa safarkii labaad oo madaxweyne Farmaajo uu dalka dibadiisa uga amba-baxo tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 8-da bisha Febraayo ee sanadkaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa koowaad tan iyo markii xilka loo doortay ku tagay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya 23-kii bisha Febraayo ee sanadkaan, kadib markii uu casuumaad ka helay boqorka dalkaasi Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis Aala Sucuud.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!