Xildhibaano ku hanjabay inaysan codka kalsoonida ah siin doonin xukuumadii lagu dhawaaqay

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay kasoo horjeedaan xukuumadda cusub uu maalintii shalay ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, iyagoona dhinaca kale ku hanjabay inaysan siin doonin codka kalsoonida.

Xildhibaanadaan oo tiradooda gaareyso illaa 68 mudane ayaa habeenkii xalay kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uu ka leexday wixii laga sugaayay.

Xidhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah xildhibaanada kasoo horjeeda xukuumadii shalay lagu dhawaaqay ayaa ku hanjabay inay codka kalsoonida ah siin doonin xukuumadaas.

Wuxuu xildhibaanka sheegay in dalku aanu qaadi karin xukuumad 70 xubnood ku dhaw, islamarkaana qaabka awood qeybsiga meel looga dhacay, isagoona ku goodiyay inay ku sugayaan maalinta xukuumadaasi codka kalsoonida ah loo qaadayo.

“Ma jirto wax nagala tashaday magacaabista xukuumadda cusub, dad gaar ah oo ay saaxibo yihiin islamarkaana ay hay’addo iskala soo shaqeyn jireen ra’iisul wasaaraha ayaa lagala tashaday, annagana albaabada ayaa nagala celiyay, marka maalinta xukuumadda la hor-keenayo baarlamaanka ayaa annagane codka kalsoonida u diidi doonnaa” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar.

Dhinaca kale, xildhibaanadaan mucaaradka ah ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxayna tan iyo xalay kulan ku qaadanayeen magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntii, xildhibaanadaan oo intooda badan xilal ka rajeeynayay xukuumada cusub ee shalay lagu dhawaaqay ayaa dhaliilsan qaabkii loo qeybiyay wasiirada, iyadoona ay muuqato in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ay xaalad adag soo wajaheyso.

error: Content is protected !!