Banaanbax aan hore loo arag oo haatan ka soconaayo qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho (DHAGEYSO)

Banaanbax aad u ballaaran islamarkaana lagu taageerayo xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa haatan ka soconaya Taaladda Dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho,

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana dadka ka qeyb galaya ka mid ah mas’uuliyiin maamulka ka tirsan, iyadoo ammaanka goobta uu ka dhacaayo banaanbaxa ay ilaalo ka yihiin ciidamo aad u badan.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa wata boorar ay ku qoran yihiin ereyo taageero loogu muujinaayo xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, islamarkaana loogu baaqayo bulshada Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan xukuumadaas.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta banaanbaxa lagu qabtay ka hadlay ayaa sheegay in isqab-qabsi iyo is jiid-jiid laga soo daalay, haatanna loo baahan yahay in hore loo sii socdo.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa dhinaca kale baaq culus u diray shacabka Muqdisho, isagoona ugu baaqay inay la shaqeeyaan dowladda cusub, islamarkaana ay isku duubni muujiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo ka kooban 68 xubnood oo ay ka mid yihiin ra’iisul wasaare ku-xigeen, 26 wasiir, ku-xigeenadooda iyo 15 wasiiro dowle ayaa markii uu baarlamaanka ansixiyo kadib laga filayaa inay wax ka qabtaan xaaladaha abaareed iyo tan amniyeed ee haatan dalka ka jirta.

error: Content is protected !!