DEG DEG:- Qarax aad u weyn oo goordhaw ka dhacay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan islamarkaana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa daqiiqado kahor ka dhacay xaafadda Seybiyaano oo ku taallo degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaasi ayaa la xaqiijiyay inuu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona inta badan magalaada Muqdisho laga maqlay qaraxaas.

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo dhaceeysa.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan nabad-sugidda qaranka Soomaaliya oo goobta qaraxa ka dhacay gaaray ayaa gebi ahaan xiray wadada soo gasha halkaasi, iyagoona kadib baaritaano halkaasi ka bilaabay.

Sidoo kale, waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah oo halkaasi ka daad gureynaya dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.

Wixii warkaan kusoo kordha iyo sawirada dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!