DEG DEG:- Qaraxii labaad oo daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa daqiiqado kahor ka dhacay agagaarka Hoteel Naasa-Hablood iyo Taaladda Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ah kii labaad oo muddo saacado gudahood ah ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay inuu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana haatan magaalada dhan qariyay qiic aad u weyn.

Goobta uu qaraxaan ka dhacay oo aad ugu dhaw goob maqaaxi ah oo lagu magacaabo Banooda ayaa waxaa inta badan ka cunteeya saraakiil iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo dhaceeysa.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan nabad-sugidda qaranka Soomaaliya oo goobta qaraxa ka dhacay gaaray ayaa gebi ahaan xiray wadada soo gasha halkaasi, iyagoona kadib baaritaano halkaasi ka bilaabay.

Sidoo kale, waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay soo gaaray gaadiidka gurmadka deg dega ah oo halkaasi ka daad gureynaya dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay.

Wixii warkaan kusoo kordha iyo sawirada dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!