Dowladda Mareykanka oo gaadiid dagaal ku wareejisay ciidanka AMISOM ee Soomaaliya (SAWIRO)

Dowladda Mareykanka ayaa maalintii shalay illaa 16 gawaari nooca ciidanka ayaa maalintii shalay ku wareejisay ciidamada AMISOM ee ka howlgala dalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Mareykanka oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa deeqdaan gaadiidka ah shalay ku wareejiyay qeybta koowaad ee ciidanka AMISOM ee Muqdisho ka howlgala.

Sidoo kale, sarakiishaasi ayaa sheegay in gaadiidkan loogu talogalay xoojinta howlgalka ciidamada AMISOM oo lagu taageerayo sidii ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen.

Dowladda Mareykanka ayaa inta badan taageero u fidisa ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ee dagaalka xoogan kula jira dagaalyahanada Al-shabaab oo qaraxyadda iyo weerarada ka geysta qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!