Roob lagu diirsaday oo maanta ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in maanta deegaano ku dhaw degmada Mahaday uu ka da’ay roob si aad ah loogu diirsaday.

Roobkaasi ayaa ka da’ay deegaanada kala ah Iji, Oobaale, Caadley, Ceelbaraf, Cali Fooldheere, Dhurwayle iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

Sidoo kale, roobka ayaa la sheegayaa inuu ka da’ay deegaano dhinaca galbeed iyo waqooyi kaga beegan magaalada Jowhar sida tuulada Liibiya, Xaanshooley, Dhaaygawaan, Dhuumaley iyo qaar kale oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Roobkaan ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeysay uu kuleyl aad u daran ka jiray gobolka Sh/dhexe, iyadoona sidoo kale ay halkaasi hore isaga hayaameen xoolo dhaqatii deegaanadaasi ku sugneyd, iyagoo miciin biday inay isaga noolaadaan nawaaxiga wabiga Shabeelle.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya laga dukaday salaad roob doon ah, oo Alle loogaga baryayay inuu kuleylka ka saaro islamarkaana raxmad kheyr qaba u keeno.

error: Content is protected !!