DEG DEG:- Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Wadajir oo goordhaw lagu dilay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa goordhow degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dishay mas’uul ka tirsan maamulka degmadaasi, xilli uu saarnaa gaari nooca raaxadda ah.

Dad goob joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta Bulshoweyn, in dableydaan ay wateen gaari, ayna isku horjareen gaarigii uu la socday C/raxmaan Calasoow oo ahaa xoghayihii degmada Wadajir.

Dilka kadib waxaa goobta isaga baxsaday raggii weerarkaasi ka dambeeyey, iyaga oo aaday dhanka degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo soo gaaray halka uu dilka ka dhacay ayaa ka bilaabay howlgallo baaritaanno ah oo ay ku daba-joogaan raggii dilkaasi ka dambeeyay.

Maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir iyo saraakiisha amniga ee degmadaasi weli wax war ah kama aaney soo saarin dilkaasi.

Dilalka qorsheysan ayaa maalmihii ugu dambeeyey kusoo batey magaalada Muqdisho, waxaana marar badan sidaan oo kale loo dilay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!