Donald Trump oo ku fashilmay hindise sharciyeed uu ku bedali lahaa adeega caafimaad ee Obamacare

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xisbigiisa jamhuuriga ayaa ku fashilmay inay meel mariyaan hindise sharciyeed lagu bedalaayo barnaamijkii adeega caafimaadka Obamacare ee uu ka tagey madaxweynihii hore ee dalkaasi Barack Obama.

Madaxweyne Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololihiisa doorasho waxa uu ballan ku qaaday inuu meesha ka saari doonno adeegaasi caafimaad ee Obamacare, isagoona sheegay inuu ku bedali doonno hindise cusub oo uu ugu magac daray American Health Care.

Hindisahaasi oo ay si wadajir ah uga soo shaqeeyeen maadaxweyne Donald Trump iyo afhayeenka aqalka kongress-ka Paul Ryan ayaa noqday mid ka socon waayey xildhibaanada xisbiga dimuqraadiga iyo weliba qaar badan oo kamid ah xisbiga jamhuuriga.

Qaar ka mid ah xildhibaanada xisbiga jamhuuriga ayaa sharcigaan cusub ku tilmaamay inaanu waxba ka bedelneyn kii Obamacare, halka qaarka kale ay iyagane sheegeen in hindisahaan cusub uu yahay mid qatar gelin kara nafta malaayiin qof oo Mareykan ah.

Hoggaamiyaha xildhibaanada dimuqraadiga ee Aqalka Konfresska looga tirada badan yahay Nancy Pelosi ayaa arrintaan ku tilmaamtay guul taariikhi ah.

Dhinaca kale, madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in xildhibaanada dimuqraadiga ay ka socon weyday hindisahaan cusub ee uu isaga watay, islamarkaana aan la meel marin karin hadii aysan iyagu taageerin, wuxuuna tilmaamay in Obamacare uu yahay midka kaliya ee sharciga ah ee sii shaqeyn doonna.

Si kastaba ha ahaatee, Obamacare ayaa ah nidaam caymis caafimaad lagu siinayo dadka aan awoodin inay gataan caymiska, wuxuuna nidaamkaan ka mid yahay dhaxalkii ugu weynaa ee uu ka tagey madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

error: Content is protected !!