Madaxweyne Farmaajo “Anigu ma lihi qabiil, shacabka ayaan u dhaxeeyaa” (DHAGEYSO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo habeenkii xalay ahaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan howlaha shaqo ee ay dowladdiisa qaban doonto.

Ugu horreyn waxa uu madaxweyne Farmaajo sheegay in dowladdiisa aaney ku shaqeyn doonin qabiil, isagana uu iska bilaabi doono inuu iska fogeeyo qabiilka.

Waxa uu sheegay Farmaajo in isaga aanu lahayn qabiil, shacabka Soomaaliyeedna ay doorteen, qabiilna aanu dad kusoo dhaweyn doonin sidoo kalena ku fogeyn doonin.

“Anigu qabiil ma lihi, shacabka ayaan u dhaxeeyaa, cidna kuma soo dhaweeysan doonno qabiil, cidna kuma fogeeynayo, Soomaalida oo dhan waan u dhaxeeyaa waayo iyagaa i doortay, wasiirada cusub dhammaantood waan u sheegay cid kursiga qabiil ugu fadhida ma jirto ee shacabka ayaa loo wada shaqeynayaa” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyn, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay aad ula dagaallami doonto musuqa, islamarkaana dalkaan ay kusoo celin doonaan amnigii looga bartay iyo kala dambeyntii.

error: Content is protected !!