Shir madaxeedka IGAD oo ka furmaya Nairobi iyo madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi ka furmayo shir madaxeedka dalalka ku bahoobay IGAD, kaas oo ay uga hadlayaan xal u helidda qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalkaasi Kenya.

Shirkaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Dowladda Kenya, Midowga Yurub iyo Bankiga Adduunka islamarkaana ay hore u iclaamisay Kenya ayaa uljeedkiisu yahay in sidii qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Kenya dib loogu celin lahaa Soomaaliya islamarkaana dib u dejin halkaasi loogu sameeyn lahaa.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa la filayaa in shirkaasi ay ka jeediyaan khudbado dhinacyo badan taabanaysa islamarkaana ay uga hadlayaan xaaladaha qaxootiga, ammaanka iyo abaaraha ka jira geeska Afrika.

Sidoo kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la filayaa in shirkaasi uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabanaysa, gaar ahaan xaaladda qaxootiga Soomaalida ku sugan Kenya iyo abaaraha baahsan ee ka taagan Soomaaliya.

Ugu damebyntii, shirkaasi ayaa markii uu soo gaba-gaboobo waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed diiradda lagu saarayo arrimaha qaxootiga, taageeradda loo fidinaayo dalka Soomaaliya ee dhinaca abaaraha iyo sidoo kale dhinaca amniga.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!