Askari ka tirsan ciidanka DFS oo qof shacab ah ku dilay magaalada Jowhar

Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu qof shacab ah ku dilay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Wiilka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Cabdicasiis Muxumad oo da’ahaan lagu sheegay 20 sano jir.

Goob jooge ku sugan magaalada Jowhar ayaa warbaahinta u sheegay in dilka wiilkan uu yimid kadib markii uu damcay inuu kala dhexgalo labo gabdhood oo dagaallamay oo mid isaga la dhalatay, halka mida kalena ay la dhalatay askariga wax dilay.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ku dhaawacmay sida naloo xaqiijiyey gabadha la dhalatay marxuumka, iyadoo loola cararay isbitaalka magaalada Jowhar.

Warar madax bannaan ayaa waxay sheegayaan in askariga wax dilay iyo sidoo kale wiilka la dilay ay ka dhaxeyn jirtay dood muddo sanad ah taagneyd, taas oo ku aadaneyd dhanka lahaanshiyaha dhul halkaasi ku yaallay.

Askarigii wax dilay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo wada howlgallo ay askariga ku baadi-goobayaan.

Maamulka magaalada Jowhar iyo kan Shabellaha Dhexe weli wax war ah kama aaney soo saarin dilkaasi.

error: Content is protected !!