Axmed Madoobe oo dalbay hub casri ah oo uu kula dagaallamo Al-shabaab

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ururka Midowga Afrika waxa uu ka dalbaday hub casri ah oo uu kula dagaallo Al-shabaabka ku sugan Jubbooyinka.

Axmed Madoobe oo magaalada Kismaayo kula kulmay wafdi ballaaran oo ka socday golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika ayaa sheegay inay muhiim tahay in Soomaaliya oo dhan laga xorreeyo Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab ay wanaagsan tahay in loo eego oo kaliya si mideysan oo Afrika oo dhan ah, maadaama gobolka oo dhan ay qatar ku yihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga ka Jubbaland ahaan waxaan ka dooneynaa midowga Afrika inay nagu caawiyaan dhismaha ciidan qaran iyo sidoo kale hub casri ah oo aynu kula dagaallano Al-shabaab” Sidaas waxaa yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa mar walbo oo uu la kulmo ururada iyo sidoo kale dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya waxa uu ka dalbadaa ka caawinta la dagaallanka Al-shabaab.

error: Content is protected !!