DEG DEG:- Qarax aad u weyn oo goordhaw ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan islamarkaana loo maleeynayo inuu yahay gaari walxaha qarxa lagu soo xiray ayaa daqiiqado kahor ka dhacay degmada Waaberi, gaar ahaan agagaarka isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa inuu lahaa shaqsi magaciisa lagu sheegay C/shakuur Ciise islamarkaana ka tirsan shaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Gaarigaasi ayaa la sheegayaa inuu ku qarxay afaafka hore ee guriga uu degan yahay C/shakuur Ciise, wuxuuna qaraxa dhacay waxyar kadib markii uu C/shakuur damcay inuu gaariga kaxeeysto, balse markii uu ka shakiyay uu si deg deg ah uga degay, kadibna uu gaariga halkaasi ku qarxay.

Ma jirto wax qasaare ah uu geystay qaraxaasi, marka laga reebo gaariga oo burbur aad u xoogan soo gaaray.

Xaaladda goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana goobtaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan nabad-sugidda qaranka Soomaaliya oo gebi ahaan xiray wadada soo gasha halkaas.

Tan iyo markii xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa magaalada Muqdisho kusoo batay qaraxyadda iyo dilalka qorsheeysan oo lagu bartilmaameedsanayo dadka shacabka ah iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Wixii warkaan kusoo kordha iyo sawirada dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!