DEG DEG:- Qaraxii labaad oo muddo saacado gudahood ah ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax aad u xooggan oo gaari lagu xiray ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah ergadii soo doortay xildhibaannada golaha shacabka, gaar ahaan ergadii Hirshabeele ayaa la xaqiijiyey inuu gaarigaasi lahaa, balse waa uu ka bad-baaday qaraxa.

Gaariga ayaa ku qarxay meel ku dhow ajabka Dabakaayo Madow, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray ciidamada booliiska ee dowladda Soomaaliya.

Goob joogayaal ku dhow halka qaraxan uu ka dhacay ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamada booliiska ay saldhigga galbeed u wateen shaqsigii ka bad-baaday qaraxan.

Maamulka degmada Dharkeenley iyo taliska booliiska ee degmadaasi weli wax war ah kama aaney soo saarin qaraxaan.

Waa qaraxii labaad oo muddo saacado gudahood ah ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxii koowaad uu saakay ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!