Hogaamiyaasha xisbiyadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo kasoo horjeestay xukuumadda cusub ee Kheyre

Kulan ay maalintii shalay magaalada Muqdisho ku yeesheen hogaamiyaasha xisbiyadda siyaasadeed ee Soomaaliya, kana mid ahaa musharixiinta isbadel doonka ee doorashada madaxweynaha ayaa waxay ka codsadeen ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre inuu dib u eegis ku sameeyo golihiisa wasiiradda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen hogaamiyaasha xisbiyadaasi siyaasadeed ayaa lagu sheegay in xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Kheyre aanay ahayn tii shacabka Soomaaliyeed sugaayayay balse ay tahay mid ka hooseeysa himiladii laga qabay in isbadel ka dhaca dalka.

Dhammaan hogaamiyaashaasi ayaa sheegay inay si wadajir uga soo horjeedaan, iyagoona soo saaray war-saxaafadeed uu ku qoran yahay dhowr qodob oo ay u sababeeynayaan waxyaabaha ay ku diiddan yihiin.

Ugu dambeyn, hogaamiyaashaasi ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaare Kheyre inuu baal maray hannaanka awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed, iyagoona ugu baaqay in dib u eegis uu ku sameeyo golihiisa wasiiradda islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo magacaabo wasiiro ka tarjumaya shacabka Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!