Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre dib ma u eegayaa golahiisa wasiirada?

Shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ayaa is weydiinaya su’aasha aynu ciwaanka uga dhignay warbixintaan, maadaama xukuumadda Kheyre ay wajahday cadaadis aad u xooggan.

Warbaahinta Bulshoweyn ayaa bilowday baadigoobka jawaabta su’aashan, balse waxaynu la kulannay jawaabo kala duwan.

Ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa inoo sheegaya in Kheyre uu dib u eegi doonno xukuumaddiisa, lagana yaabo in isbedal ballaaran uu ku sameeyo kahor inta aanu geyn baarlamaanka.

Siyaasiyiin iyagana ku dhow Kheyre waxay inoo sheegeen in aan isbedal lagu sameyn doonin golaha wasiirada cusub, islamarkaana Kheyre uu dhagaha ka fureysan doonno dalabka baarlamaanka.

Maadaama 105 mudane ay diiddan tahay xukuumadda Kheyre, waxaa suurtagal ah in xildhibaannada aaney kalsoonida siin golaha wasiirada oo ay dib ugu celiyaan ra’iisul wasaaraha.

Waxay shacabka sugayaan tallaabada ugu horreysa ee ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre qaadi doono, iyadoo la filaayo isbedallo kale.

error: Content is protected !!