Shariif Xasan oo taageeray xukuumadda uu soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si aan caadi ahayn u taageeray xukuumadda uu 21-kii bishaan soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Shariif Xasan oo maanta hadal u jeediyey shacab badan oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa sheegay in xilligaan aaney muhiim ahayn is qab-qabsiga, isaga oo ugu baaqay golaha shacabka iney meel-mariyaan golaha wasiirada.

Waxa uu sheegay Shariif Xasan in dalka ay ka jirto abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, sidaasi darteed loo baahan yahay in xukuumadda cusub ay deg-deg wax uga qabato.

“Waxaan ugu baaqayaa golaha shacabka iney meel-mariyaan golaha wasiirada, maanta is qab-qabsi ma fiicna, dalka abaar ayaa ka jirta, shacabkana waxqabad ayeey rabaan” Sidaas waxaa yiri Shariif Xasan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Shariif Xasan ayaa imaanaya xilli inta badan xildhibaannada kasoo horjeeda xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay kasoo jeedaan deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

error: Content is protected !!