XOG RASMI AH:- Gacan labaad oo fulisa qaraxyada inta badan ka dhaca Muqdisho (AKHRISO)

Xog rasmi ah oo ay si hoose u heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegeysa in qaraxyada inta badan ka dhaca magaalada Muqdisho aaney kaliya ka dambeyn ururka Al-shabaab, balse ay jirto gacan kale.

Waxay xogtu sheegeysaa in Al-shabaab kaliya aaney wax qarxin, balse ay sidoo kale jirto shabakad arrimahaasi ku shaqeeysato, fuliyanna qaraxyada.

Shabakaddaan ayaa fulisa qaraxyada meelaha la dhigo iyo kuwa gaadiidka shaqsiyaadka lagu xiro, waxaana la sheegaa in la kireeysto oo aaney iyagu dadka iska maagin.

Qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa gaadiidka lagu xiro ayaa la rumeysan yahay in shabakadahaan ay ka dambeeyaan, walow Al-shabaab iyaguna howshoodu wataan.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho kusoo badanaayey qaraxyada gaadiidka iska qarxa ah, iyadoo shaqsiyaad lala bartilmaameedsado, balse badi sidii loo rabay uma dhicin.

Sidoo kale waxaa magaalada ka jirta shabakad gaadiid wadata misane dadka toogta, inkastoo qaarkood ay horey u burburiyeen ciidamada NISA, balse maalmahaan dambe ayeey soo ifbaxeen.

error: Content is protected !!