XOG:- Sirta rasmiga ah ee ka dambeysa diidmada 105-ta xildhibaan ee xukuumadda Kheyre

Xildhibaano gaaraya 105 mudane ayaa waxay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ka gudbiyeen warqad ay ku diiddan yihiin xukuumadiisa uu dhawaan soo magacaabay.

Warbaahinta Bulshoweyn ayaa dabagal aad u dheer ku sameysay uljeedka xildhibaanada iyo sidoo kale waxyaabaha ay ku diiddan yihiin xukuumadda.

Guud ahaan xildhibaanada ayaa ah kuwo ka wada siman diidmada xukuumadda Kheyre, balse kala uljeedo ayeey yihiin dhammaantood.

Mudane ka tirsan xildhibaannada oo magaciisa ka gaabsaday ayaa inoo sheegay in dhowr dhinac lagu diidan yihiin xukuumadda, waxaana kamid ah:

  • Xildhibaanno diidan qaab qabiilka wax loo soo xulay
  • Xildhibaanno iska dhex waayey wasiirada cusub
  • Xildhibaanno qaba in dadka iyo wasaaradaha aan la is waafajin
  • Xildhibaanno qaba in Xukuumadda ay ku jiraan dad fashilmay
  • Xildhibaanno diiddan in xubin ka tirsan baarlamaanka lagu soo daro wasiirada.

Hadaba, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa horyaalla imtixaan aad u adag, lagana yaabo ineysan sahlaneyn in si deg-deg ah looga gudbo.

error: Content is protected !!