Askari ka tirsanaa ciidanka NISA oo lagu dilay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa maanta suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dishay askari ka tirsanaa ciidanka nabad-sugidda qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Daadir ayaa la sheegay in dhowr rasaas lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Kooxihii dilka u geystay askarigaasi ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, waxaana markii dambe halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo baaritaano ka sameeyay halkaas.

Illaa iyo hataan ma jirto cid baaritaankaasi lagu soo qabtay ama sheegatay inay ka dambeysay dilka askarigaas.

Si kastaba ha ahaatee, dilkaan ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeysay dilalka qorsheysan ay si xowli ah ugu soo bateen magaalada Muqdisho, iyadoona dhowr jeer hore ay suuqaasi ka dhaceen falal lidi ku ah ammaanka halkaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!