Baaqii madaxda dowladaha IGAD iyo sidoo kale saxiixa qaxootiga Soomaaliyeed (AKHRISO)

Madaxda dowladaha ku jira urur goboleedka IGAD ayaa todobaadkan baaq ku saabsan arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ku gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Baaqan oo ah mid taariikhi ah, waxaa soo diyaariyay khubaro IGAD ah, waxaa soo saxiixay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkaas, kadibna madaxweyneyaasha IGAD.

Waxaa qodobadiisa ka ah: In Qaxootiga aan qasab lagu soo celin, In Dalalka qaxootiga qaadaya ay dedejiyaan qaadista iyo dib u dejinta qaxootiga, In dalalka IGAD sanduuq u sameyaan qaxootiga Soomaaliyeed, In Qaxootiga shaqo loo abuuro, In Qaxootiga ku dhaq-dhaqaaqi karaan dalalka ay joogaan iyo In Dowladda Soomaaliya laga taageero arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha.

Hadaba, Waa Kan Baaqii Oo Dhameystiran:

Gogol-Dhigga:

Innaga oo ah madaxda urur goboleedka IGAD, waxaan Nairobi, Kenya ku yeellannay 25-kii March 2016 kulan gaar ah oo ku saabsanaa badbaadinta iyo xal u helista qaxootiga Soomaalida ah ee dibadda iyo kuwa gudaha ku laabanaya.

  1. Aad Uga Wal-walsan: illaa 2 Milyan Soomali ah oo guryahooda ka barakacay, Hal miylan oo gudaha barakacayaal ku ah iyo ku dhawaad 900,000 oo qaxooti ku ah dalalka gobolka iyo Yemen, intooda badan waa haween iyo caruur, waxaa ay ku jiraan jiilkii 3aad.
  2. Cambaareyn: Waxaa si xoog leh u cambaareyneynaa qeybinta ku saleysan kooxeysiga, qabyaladda, argigisanimada iyo xagjirnimada ay ka dhalatay in qaxooti badan cararaan.
  3. Soo Dhaweyn: Waxaan soo dhaweyneynaa doorashadii December 2016-kii ee lagu doortay baarlamaanka iyo doorashadii madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed ee February 2017-kii, arrimahaas oo ahaa tillaabo loo qaaday xasillinta dalka.
  4. Si Aad Ah U Soo Dhaweyn: waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa magacaabista Safiirka Maxamed Afey loo magacaabay ergeyga UNHCR ee qaxootiga Soomaalida.
  5. Wal-wal ka muujin: waxaan si wal-wal ka muujineynaa firxadka qaxootiga Soomaaliga ah ee ku sii qul-qulaya waddamada IGAD iyo kuwa gudaha ku barakacaya, arrintaas oo ka dhalatay abaarta dalka ka jira iyo isbadalka cimmilada.
  6. Aqoonsi Kaalinta Yemen: Waxaan Yemen ku ammaaneynaa kaalinta ay ka qaadatay martigelinta qaxootiga Soomaaliya iyada oo ay ka socdaan qalalaaso saameyn ku yeelan karay badbaadinta qaxootiga iyo nabad-galyadooda.
  7. Aad Uga Wal-walsan: Alshabaab iyo kooxaha kale in ay Qatar ku yihiin nabad-galyada gobolka.
  8. Ognahay Isbadallada caalamiga ah iyo in waajib naga saran yahay xal ku haboon in aan u helo qaxootiga Soomaalida
  9. Ahmiyah Gaar Ah: waa In ahmiyag gaar aah aan la nimaado iyo istaraatiijiyad qaran, mid goboleed iyo caalami ah, sida 2014kii heshiiskii lagu gaaray Adis Ababa ee qaxootiga Soomaalida, 2016kii heshiiskii qaxootiga ee New York ee loo yaqaaney(CRRF) iyo 2017kii heshiiskii Muqdisho ee abaaraha.
  10. Aqoonsi: Baahida loo qabo wada shaqeyn dhex marta Soomaaliya iyo waddamada gobolka, dhanka siyaasadda, nabadda, banii’aadnimada, hor-u-marka, dhaqaalaha iyo ganacsiga si xal loogu helo barakaca qasabka ah.
  11. Ognahay in beesha caalamka ay horay uga Meer-meerisay taageerada iyo wax ka qabashada dhibaada Soomaaliya, waxaana loogu yeerayaa beesha caalamka ay kordhiyaan kaalintooda ku aadan taageerada Soomaaliya.
  12. Amaanid: -hor-umarka la taaban karo ee laga gaaray, iyada oo ay Soomaaliya u jiheysatay nabadda iyo dowladnimada, iyada oo taageero laga helaayo IGAD iyo beesha caalamka.
  13. U Sacab Tumid: Ammaanid shaqada socoto ee dhismaha hey’adaha dowliga ah, sharciga deeqa shacabka Soomaaliyeed iyo helidda shaqo iyo nolol, soo celinta adeegga bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale si loo helo hor-umar dhaqan dhaqaale, mid bulsho iyo nabad ay sameeyaan bulshada.
  14. Ammaanid: Waxaan ammaan mudan dadaalka naf hurnimada leh iyo bad-baadinta leh ee dalka IGAD ka geysteen taageerada qaxootiga Soomaaliyeed.
  15. Ballan-qaad Cusub: Mar kale in IGAD ka soo dhalaasho badbaadinta, taageerada iyo xal u helista qaxootiga Soomaaliyeed.
  16. Ammaan Beesha Caalamka: Ammaanidda beesha caalamka iyo dadaalkeeda ku aadan qaxootiga Soomaaliyeed sida shirka lagu qaban doono London bisha May 2017 iyada oo Soomaaliya laga caawinayo in jidka saxda ah ay heyso ilaa 2020-ka.

Bayaanka Ayaan Ku Dhawaaqeyno Waa:

Ujeedada:

  1. Si Wadajir ah: In si Midnimo iyo wadajir ah ay waddamada gobolka xal uga gaaraan qaxootiga Soomaaliyeed iyaga oo la tixgelinaayo heshiisyada caalamiga ah iyo heshiiska CRRF.
  2. Qaadasho Ama Hantin: In La Dhaqan-geliyo heshiiska Nairobi ee xal u helista qaxootiga Soomaaliyeed
  3. Bey’ad nabad ah iyo hadana nolol ku haboon in loo diyaariyo qaxootiga doonaya in si iskood ah u soo noqdaan.

Soomaaliya Xalka Laga Doonayo:

  1. Fududeyn: In Qaxootiga si iskood ah u soo noqdaan, lana baaro waxa keenaya dhibka iyo qaxa, xalna loo helo.
  2. Dedejin: In la dedejiyo dadaallada dib u dhiska iyo howlaha kale ee socda, haweenkana ay kaalin ka qaataan oo laga qeyb-galiyo.
  3. Taageero: In dowladda federaalka ah laga taageero nabad-galyada iyo dhismaha ciidamada qalabka sida, booliiska iyo dhismaha nimaad amni iyo mid cadaalad.
  4. Bixitaanka AMISOM: In Ciimada qaranka lagu gacan siiyo in ay AMISOM kala wareegaan nabad-galyada iyo in ciidamada Soomaaliya ay dadkooda gaarsiyaan howlaha banii’aadnimada iyo taageero bulsho.
  5. Taageero Dheraad Ah: In La taageero dhaqan-dhaqaale iyo adeeg bulsho in la helo, lana xoojiyo maalgeshiga, in qaxootiga iyo barakacayaasha fursado loo abuuro, arrintaas oo garab socota qorashada qaran oo loo yaqaano(NDP).
  6. Aqbalaad: In Survey lagu sameeyo howlaha ay qaban karaan qaxootiga soo noqday iyo barakacayaasha si loo xoojiyo hindisaha(DSI) ee qaxootiga soo noqonaya iyo qorshaha qaran ee loo yaqaano(NDP).
  7. Abuurid: In Qurbojoogta Soomaalida helaan fursad ay uga qeyb-qaadan karaan kobaca dhaqaalaha Soomaaliya, gaar ahaa xaawaladaha, arrimaha banii’aadnimada iyo qorshaha dib u dhiska dalka.

Xalka Arrimaha Qaxootiga:

  1. Xoojin: In Qaxootiga la badbaadiyo, lagana jawaabo abaaraha si hijro ama qax kale u dhicin.
  2. Taageero Dheeraad Ah: In awoodda isu geeyaan dhammaan hey’ada caalamiga ah, dadka qaxootiga martigeliya iyo xitaa qaxootigaba in ay iska kaashadaan bad-qabka bey’ada iyo in dib loo hagaajiyo ecosystem-ka goobaha ay ku nool yihiin qaxootiga.
  3. Magan-galyo-Doon: In Magan-galyo doonnimada sii jirto iyaga oo beesha caalamka ay taageeryso nolosha qofka qaxootiga ah iyo dalka martigelinaya.
  4. Kor-u-qaadid: In beesha caalamka kor u qaaddo heeka aqoonta, waxbarashada qofka qaxootiga ah iyo in la yareeyo ku tiirsananaanta hey’adaha qaxootiga taageera iyo in ay shaqo ku helaan dalka ay qaxootiga ku yihiin ama marka ay soo noqdaan.
  5. Sharciyo Aan Ka Hor Imaaneyn Kuwa Caalamiga ah: In aaney isburin sharciyada dalalka ka jira iyo sharciga iyo xeerarka calamiga ah ee ka yaalla qaxootiga gaar ahaan 1951 refugee convention taas oo waajib ka dhigeysa in qofka qaxootiga ahi uu shaqo helo, iskuna filaando.
  6. Dhaq-dhaqaaqa Qaxootiga: In qaxootiga awood loo siiyo in ay ku dhex socdaakaan dalalka ay joogaan, arrintaasina laga dejiyo qorshe qaran.
  7. Soo Dhaweyn: In bulshada deegaanka ay soo dhaweyso qaxootiga xagga la taageero bulsho ahaan, in ganacsatada gudaha iyo qurbajoogtaba ay gacansiiyan qaxootiga gaar ahaan caruurta, haweenka iyo inta nugul.
  8. Haweenka: In Haweenka qaxootiga laga gacan siiyo dhan walba, laga hubiyo bey’ad iyo qorshayaal ku haboon oo ay ku dhex joogi karaan.
  9. Adkeyn: In dalalka qaxootiga martigeliya iyo Soomaalidaba la siiyo awood ah in ay helaan adeegga loogu shaqeynayo qaxootiga sida dokomentiyada qaxootiga iyo dadka dalkooda dib ugu soo laabanaya.

Taageerada Dalka Qaxootiga Martigeliya:

  1. Joogteyn: In qaxootiga ay weli sii qabtaan dalalka, kana jawaabaan abaaraha gobolka ku dhiftay.
  2. Adkeyn: In dalalka la xoojiyo capacitigooda si ay wax badan uga taran caawinaadda qaxootiga Soomaaliyeed.
  3. Adkeynta Nabad-galyada: In qxootiga ay ammaan ku helaan gudaha iyo dibadda xerada qaxootiga.
  4. Hubin: In la ilaaliyo banii’aadnimada, karaamada iyo sharafta qofka qaxootiga ah.
  5. Boorrin: Bulshada deegaanka iyo qaxootiga Soomaaliyeed waa in la dhex abuuro xiriir xooggan oo si nabad ah loohu wada noolaado.

Gobolka Iyo Wax Ka Qabashada Arrimaha Qaxootiga:

  1. Taageero: in La taageero dowladda federaalka ah iyo madal u sameyso qaxootiga iyo barakacayaasha, arrintaas oo bar bar socda qorshada qaran ee NDP.
  2. Joogteyn: In la sii wado, lana joogteeyo taageerada iyo magangalyada ls iiyo qaxootiga Soomaaliyeed, la siiyo badbaadin iyo xal loo helo arrimaha qaxootiga.
  3. Sanduuqa Qaxootiga: In IGAD u sameyso arrinta qaxootiga sanduuq, la sii mariyo dowladda federaalka ah, si dowladda u hesho bey’ad xal loogu helo dib u soo laabashada qaxootiga.
  4. Xadka: In Xuduudaha dalka laga taageero xagga horumarka, oo dhanka xadka laga yeesho wada shaqeyn, oo weliba xadka lagu sameeyo ganacsi iyo maalgeshi, kaas oo qeyb ka noqon kara xasiloonida gobolka.
  5. Xoojin: In la xoojiyo guddiga qaxootiga gaar ahaan guddiga heer wasiir ee IGAD u qaabilsan qaxootiga, kooxdaan oo shaqo ka dhigan doonta la socodka sida looga soo baxo ballamada laga galo arrimaha qaxootioga.

Mas’uuliyadda Beesha Caalamka Ka Saaran Qaxootiga:

  1. Baaq: Beesha Caalamka waa in ay ka dhabeeyaan ballan-qaadka ay ka sameeyaan taageerada Soomaaliya.
  2. Baaq Kale: Waxaan ugu baaqeynaa Hey’adaha Lacagta Adduunka in ay deymaha laga cafinayo Soomaaliya dedejiyaan, si taageero lacageed iyo deymaba u helaan Soomaalida.
  3. Deyn Cafis: Bangiyada iyo hey’adaha kale waa in ay bixiyaan deymo leh Interest aad yar oo xitaa waqti dheer la bixinaayo.
  4. Hey’adaha Gaarka Soomaaliya Ha Yimaadaan: Hey’adaha gargaarka in ay yimaadaan kana howl-galaan Soomaaliya, si ay qeyb uga qaataan xasillinta dalka.
  5. Qaxootiga Dal 3aad Ha Qaato: Beesha Caalamka gaar ahaan dalalka 3aad ee qaxootiga aqbala in ay dedejiyaan aqbalaadda iyo qaadista qaxootiga Soomaaliyeed.
  6. Wada Shaqyn: Si barnaamijka hor-u-marinta, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo banii’aadamnimada wax looga qabto, waa in si midnimo iyo wada jir ah loo wada shaqeeyo.
  7. Codsi: Waxaa Laga Codsanayaa UNHCR in ay IGAD iyo hey’ada kale kala shaqeeyaan hirgelinta heshiiska qaxootiga ee New York iyo heshiiska CRRF.
  8. IGAD Lacag Hala siiyo: In Beesha Caalamka ay lacag iyo qaab walba uga caawiso dalalka IGAD sidii wax looga qaban lahaa howlaha banii’aadnimada iyo hirgelinta baaqa qaxootiga ee Nairobi.
  9. Habab Kale: In dalalka deeqaha bixiya ay lacag ku bixiyaan si qaxootiga haba kale loogu helo, taas oo waxtar u leh bulsho iyo dhaqaale ahaan qaxootiga iyo dalalka martigeliya.
  10. In cid walba, sida hey’adaha gargaarka, private sector, qurbojoogta Soomaalida, hey’adaha maaliyadda ee caalamiga ah, bangiyada gobolka, deeq bixiyeyaasha iyo cid walba in ay taageerto baaqan xalka loogu helayo qaxootiga Soomaaliyeed.

Howshan Dhab Ayey naga tahay fulinteeda.

Tarjumaadda Iyo Qoraalka: Cabdi Caziz Gurbiye.

error: Content is protected !!