DEG DEG:- Kenya oo shaacisay in weerar lagu qaaday degmada Badhaadhe lagu laayay Shabaab badan

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandiga ee dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in howlgal aad u xoogan oo ay maalintii Axadda aheyd qaadeen ciidamada Kenya ee kuwa AMISOM ay ku dileen illaa 31 askari oo ka tirsan dagaalyahanadda Al-shabaab, halka kuwa kale oo dhaawac ahne ay baxsadeen.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi uu ka dhacay xaruntii taliska iyo sahayda oo ay kooxda Al-shabaab ku lahaayeen degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose.

Dhinaca kale, waxaa qoraalka lagu sheegay in howlgalkaasi sidoo kale lagu burburiyay labo gaari oo ay lahaayeen Al-shabaab, islamarkaana lagu furtay illaa 11 qoryaha AK 47-ka, 2 qori oo PKM, 4 waxyaabaha qarxa ah, raashiin, qalab isgaarsiineyd, iyo rasaas aad u badan.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga ee Kenya

error: Content is protected !!