Hub ay lahaayeen Al-shabaab oo u gacan galay ciidamada Ahlu-sunna (DHAGEYSO)

Maamulka Ahu-sunna Waljameeca ee gobollada dhexe ayaa gacanta ku dhigay hub ay lahaayeen Al-shabaab, kuwaasi oo lagu aasay meel dhul ah, kadib howlgal ay sameeyeen ciidamadaasi.

Taliye ku xigeenka ciidanka Ahlu-sunna Waljameeca C/nuur Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay heleen xog ahayd in meel dhul ah ay ku aaseen Al-shabaab hubkaan, kana tirsan Galgaduud,  isaga oo sidoo kale faah faahiyey noocyada hubka.

Waxa uu sheegay taliye ku xigeenka in hubka uu isugu jiray qoriga 37 oo labo dhuun leh, Ak-47 oo seddax xabo ah, hub kale iyo rasaas farabadan.

C/nuur ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada Ahlu-sunna ay wadi doonaan howlgallada ka dhan ah Al-shabaab, sidoo kalena ay raadin doonaan meel walbo oo ururkaasi hubka dhigto.

Dhanka Al-shabaab weli wax war ah kama aaney soo saarin hubkaan ay gacanta ku dhigeen ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca ee gobollada dhexe.

error: Content is protected !!