Ra’iisul wasaare Kheyre oo deegaanka Garas Baaleey ku booqday dad barakacayaal ah (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu weheliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta kormeer ku tagay deegaanka Garas Baaleey ee duuleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah dadkii kasoo barakacay gobollada dalka ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in mar waliba la garab istaago dadka dhiban ee abaartu ku dhacday, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda ay gacan siin doonto, islamarkaana looga baahan yahay shacabka iyo guud ahaan cid walba oo awooda in la caawiyo dadkan dhiban.

“Waxaa maanta halkaan u nimid in dareenkeena aan la wadaagno walaalaheena soo barakacay ee dhulkii ay daganaayeen ku dhufatay abaartu, waxaan ku jirnaa xili adag oo u baahanahay dhammaanteen in gurmadka aan ka qeyb qaadano haddii ay tahay xukuumadda iyo golleyaasha kale ee baarlamaanka, waxaa illaa iyo maalintii aan dirnay baaqa nasoo gaaray gurmad fara badan, laakiin waxaan xaqiijinayaa gurmadka na soo gaaray iyo dhibaatada jirta inay aad u kala badan yihiin” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaraha Kheyre ayaa kormeer ku sameeyey goobaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah iyo meelaha cuntada loogu kariyo, wuxuuna uga mahadceliyey maamulka gobolka Banaadir kaallinta ay ka qaadanayaan taakuleynta shacabka dhiban.

Ugu dambeyntii, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhankiisa sheegay in dhowr goobood oo kala duwan loo diyaariyey dadka soo barakacay isla markaana maamulku uu diyaar u yahay kaalinta uga aadan gurmadka walaalaha Soomaaliyeed oo ay abaartu saameysay.

error: Content is protected !!