DEG DEG:- Baarlamaanka oo codka kalsoonida ah siiyay xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhow waxay codka kalsoonida ah si buuxdo u siiyeen xukuumadda uu 21-kii bishaan soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Kulanka maanta waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka C/weli Ibraahim Sheekh Muudey, waxaana soo xaadirtay 241 mudane oo kulanka uu ku furmay.

Codka kalsoonida waxaa loo taagay qaab gacan taag ah, waxaana in xukuumadda ay shaqeeyso aqbalay xildhibaanno gaaraya 224, waxaa diidday 15 mudane halka ay ka aamuseen 2 xildhibaan.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka ayaa dhaariyey dhammaan golaha wasiirada cusub ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo hadda shaqooyin badan laga sugayo.

error: Content is protected !!