DEG DEG: Kulankii baarlamaanka oo furmay iyo ra’iisul wasaare Kheyre oo laga dhageysanayo qorshaha xukuumadiisa

Waxaa goordhow xarunta golaha shacabka ka furmay kulankii ay lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo maanta aad uga duwan kulamadii kale ee la yeelan jiray.

Xildhibaannada ayaa la filayaa in daqiiqadaha soo aadan ay codka kalsoonida ah u qaadaan xukuumadda uu soo dhisay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa hadda waxa uu akhrinayaa barnaamijka xukuumadda ee ay ku howlgeli doonto, iyadoo ay jireen xildhibaanno doonayey in 48-saac kadib xukuumadda codka loo qaado balse hadda ayaa la isku raacay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in xubnahan golaha wasiirada ee cusub oo kusoo xushay karti, aqoon, iyo inuu hubiyay inay u adeegi karaan shacabka sida ugu wanaagsan.

“Waxaan mudanayaasha baarlamaanka uga mahad-celinayaa codkii ay i siiyeen markii la iisoo magacaabay, waxaana maanta idiinkaga fadhiyaa inaad codka kalsoonida ah siisaan xukuumadeyda oo aan rabo in sida ugu dhaqsaha badan ay uga howlgasho, gaar ahaana qeyb muuqata uga qaadato gargaarka shacabka abaaraha ku dhufteen” Sidaasi waxaa yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Wixii warkaan kusoo  kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!