Duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho Iyo Nairobi oo maanta si rasmi ah u bilowday

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa goor dhow ka amba baxday diyaarad ay leedahay shirkadda African Airways,  taasi oo sida shacab, waxayna si toos ah uga deggan doontaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Diyaaraddan ayaan mari doonin magaalada Wajeer ee dalka Kenya, halkaasi oo in ku dhow 10 sano ay mari jireen diyaaradaha shacabka, si halkaasi loogu baaro.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa hadal kooban ka jeediyey garoonka Aadan Cadde, kahor inta aanay duulin diyaaraddan ayaa sheegay inay tani qeyb ka tahay waxqabadka dowladda Farmaajo, islamarkaana guul weyn u tahay shacabka Soomaaliyeed, ayna soo laabatay haykalkii dowladnimada ee Soomaaliya.

“Sida aad u wada jeedaan maanta waa maalin taariikhi ah, waxaana halkan ku sagootineynaa duulimaadkii u horeeyey muddo tobban sanno kadib ee toos u aadaya magaalada Nairobi, iyadoo aan kusii hakan doonin magaalada Wajeer, waxayna muujineysaa xushmadda iyo qaddarinta dowladda Kenya ay u heyso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Kheyre

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa xusay inay tanni muujineyso in garoonka Aadan Cadde uu u shaqeeyo sida garoomada caalamiga ah, maadaama la xaqiijiyay in duulimaadkii kasoo baxa uu yahay mid la isku haleyn karo oo aan la sii marsiin meelo kale.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaare Kheyre ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay soo yeeri doonaan warar ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana laamaha amniga ee garoonka Aadan Cade ugu baaqay inay iska illaaliyaan wax walbo oo heshiiskii Kenya iyo Soomaaliya wax u dhimi kara.

Dowladda Kenya ayaa hore u diidday in diyaaradaha shacabka ah ay toos uga degaan garoomadooda Nairobi, waxaana ay sii mari jireen magaalada Wajeer.

error: Content is protected !!