Ra’iisul wasaaraha UK Theresa May oo saxiixday warqada ay uga baxayaan Midowga Yurub

Ra’iisul wasaaraha dalka UK Theresa May ayaa ugu dambeyn saxiixday warqaddii sida rasmiga aheyd oo ay dalka UK kaga baxeysay dalalka ku bahoobay Midowga Yurub.

Theresa May ayaa ogeysiis rasmi ah oo waafaqsan qodobka 50-aad ee heshiiskii Lisbon maanta oo Arbaco ah u gudbin doonta madaxweynaha golaha Midowga Yurub Donald Tusk.

Go’aankaan ay dalka UK kaga baxeeyso Midowga Yurub ayaa wuxuu daba socdaa natiijadii kasoo baxday aftidii la qaaday bishii June ee sanadkii hore, taas oo noqotay in dalku ka baxo Midowga Yurub.

Theresa May oo maanta shir guddoomin doonta kulan ay golaha wasiiradu yeelanayaan ayaa sidoo kale warbixin kahor jeedin doonta xildhibaanada baarlamaanka UK, iyadoona ku wargelin doonta in ka bixitaanka UK ee Midowga Yurub uu si rasmi ah u bilawday.

Dhinaca kale, wada-hadalo uu dalka UK  la yeelan doonno Midowga Yurub ayaa la filayaa inay bilawdaan bartamaha bisha May ee sanadkaan 2017-ka.

Dowladda UK ayaa sheegtay inay doonayso in wada-hadallada kala guurka iyo kuwa ganacsigu mar wada bilaabmaan, laakiin madaxda Midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in labada arrimood yihiin labo aan shaqo isku laheyn oo midba gaar looga wada xaajoon doonno.

error: Content is protected !!